Soomaaliya oo Raadinaysa Iskaashi Dheeraad ah oo ay la Yeelato Dowladda Turkiga

0

MUQDISHO, Soomaaliya / ISTANBUL, Sebtembar 8, 2025 – Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in hay’addu si adag uga shaqeyneyso la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo xoojinta amniga xuduudaha, iyadoo iskaashi dhow la leh la-hawlgalayaal caalami ah.

 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA) ayaa ah mid ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn ee federaalka Soomaaliya, iyadoo ka hawlgasha guud ahaan dalka iyada oo leh in ka badan 1,400 shaqaale, halka xarunteedu tahay caasimadda Muqdisho, ayuu sheegay Dhuurow.

“Habka socdaalku runtii wuxuu sameeyay horumar weyn,” ayuu yiri.

Hay’addu waxay markii ugu horreysay la aas-aasay 1946-kii, markii horena waxay ka hoos shaqeyn jirtay qaybta (CID), kadibna waxaa hoos yimaaday Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), taasoo ka dhigtay qeyb muhiim ah oo ka tirsan nidaamka amniga gudaha ee dalka.

Iskaashi Dhow oo Lagu La-dagaallamayo Xagjirnimada

Dhuxulow ayaa sheegay in hay’addu “si adag uga shaqeyneyso” la-dagaalanka kooxaha argagixisada, iyadoo shaqaalaheedu yihiin kuwo si wanaagsan loo tababaray islamarkaana si dhow ula shaqeynaya hay’adaha amniga gudaha iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

“Waxaan ku dadaaleynaa in shaqaalaheena la tababaro si ay u hubiyaan in hay’adda socdaalka Soomaaliya ay si wanaagsan ula shaqeyn karto aduunka inteeda kale. Waxaan hubineynaa inaysan jirin dad si sharci-darro ah uga safra ama u soo gala Soomaaliya,” ayuu carrabka ku adkeeyay.

Dhuurow ayaa intaa ku daray in maadaama dowladda Soomaaliya ay helayso aqoonsi caalami ah, hay’adda socdaalku ay noqoneyso qeyb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka dowladda, iyada oo la xoojinayo hababka xog-ururinta iyo iskaashiga lala yeesho hay’adaha kale ee dowladda iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

Hay’addu waxay si gaar ah diiradda u saareysaa ka hortagga in xubnaha kooxaha Al-Qaida, Daacish (ISIS) iyo Al-Shabaab ay si fudud uga baxaan ama u galaan Soomaaliya.

Dhuxulow ayaa sheegay in saddex bilood ka hor hay’addu hirgelisay nidaam casri ah oo la yiraahdo Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System (PISCES) oo ay ka taageereen Maraykanka, islamarkaana la tababaray shaqaalaha, taas oo ka mid ah nidaamyada ugu wanaagsan ee loo isticmaalo xaqiijinta inay qof walba si sax ah uga baxo ama u galo dalka.

“Waxaan sidoo kale la heshiinnay Interpol, waxaan si dhow ula shaqeyneynaa iyaga oo naga caawinaya liiska dadka la raadinayo,” ayuu yiri.

Dhuxulow ayaa sheegay in hay’addu si dhow ula shaqeyneyso la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah, iyadoo booqashooyin ku tagtay dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Switzerland, Norway, iyo Finland, kuwaas oo dhammaantood ballanqaaday iskaashi dhow.

Soomaaliya oo Raadinaysa Iskaashi Dheeraad ah oo ay la Yeelato Dowladda Turkiga

Dhuxulow ayaa sidoo kale tilmaamay doorka ay Turkigu ku leeyihiin la-dagaalanka Al-Shabaab, isagoo ugu yeeray “walaalo aad ugu dhow” Soomaaliya, kuwaas oo muddo dheer garab taagnaa.

“Turkigu waa walaalaheen, waxay noo garab taagnaayeen muddo dheer. Aad ayay nooga taageeraan,” ayuu yiri.

Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale rajeyneysa in ay si dhow ula shaqeyso dowladda Turkiga si loo tababaro shaqaalaha, loona horumariyo isticmaalka baasaboorrada Soomaalida.

“Runtii waxaan doonaynaa inay nala shaqeeyaan oo naga taageeraan aqoonsiga baasaboorka,” ayuu intaa ku daray.

Dhuxulow ayaa xusay duulimaadyada maalinlaha ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo yiri: “Waxaan horumar weyn sameynay, laakiin waxaan dooneynaa in taageeradoodu Soomaaliya ay laban-laabanto.”

Soomaaliya ayaa si gaar ah u raadinaysa iskaashi balaaran oo ay Turkiga la yeesho arrimaha socdaalka, oo ay ku jiraan tababarida shaqaalaha iyo is-weydaarsiga aqoonta.

Waxa uu ku baaqay in Turkiga uu ka taageero dhinacyo badan oo lagu horumarinayo nidaamka socdaalka Soomaaliya si loo gaarsiiyo heer kale oo tayo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here