Soomaaliya oo saraakiil cusub loogu tababaray dalka Rwanda

0

KIGALE (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dalka Rwanda uga qeybgalay Xaflad ay ku qalinjabinayeen Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyed.

 

Saraakiishaan ayaa bartay hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo maaraynta, nabadda iyo xal u helidda Xasaradaha, waxana ay qateen shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda dalka Rwanda.

Tirada saraakiisha qalinjabisay ayaa dhan 34 sarkaal, waxana qeyb ka ahaa saraakiil ka kala socotay qaar kamid ah dalalka Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here