Soomaaliya oo shir caalami ah uga qayb-galeyso dalka Jordan + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) –  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maryan Maxamed Xuseen iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa dalka Jordan kaga qaybgalay shir sanadle ah oo ay qabato Shabakadda EMPHNET, sannadkan ayaa diiradda lagu saarayay horumarinta caafimaadka guud iyo diyaar-garowga wanaagsan ee xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan caqabadaha jira, fursadaha horyaala dalalka, iyo soo-jeedinta xalal waara oo wax ku ool ah.

 

Wafdiga matalayay Soomaaliya ayaa si heer sare ah uga qayb qaatay shirweynahan oo ay ka qeyb qaadanayeen dalalka ku jira mandaqadda Bariga Mediterranean-ka (Eastern Mediterranean Region) shirka waxaa si weyn u soo xaadiray Wasiiro iyo Madax ka socotay dalalka mandaqadda Mediterranean-ka, wakiillo ka socday hay’adaha caafimaadka ee caalamiga ah, khubaro cilmi-baarayaal iyo xeeldheereyaal sare kuwaasoo soo bandhigay cilmi-baarisyo ay ka sameeyeen arrimaha caafimaadka guud qaababka lasocoshada xanuunada faafa.

Dr. Maryama Mohamed Hussein Wasiiru Dowlaha Waasaradda ayaa Intii uu socday shirkaan la yeelatay shir doceedyo madaxda shabakadda EMPHNET, oo si dhow ula shaqeysa Wasaaradda Caafimaadka Sidoo kale waxay shirar gaagaaban oo diirada lagu saarayay iskaashiga la yeelatay qaar ka mid ah Wasiirrada ka socday dalalka qeyb ka ah mandaqadda Bariga Mediterranean-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here