NEW YORK – Soomaaliya ayaa bishan qaban doonta kulan dood furan ah oo ka dhici doona Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xukunka sharciga caalamiga ah iyo doorkiisa ku aaddan ilaalinta nabadda iyo amniga dunida.
Dooddan oo ka mid ah ajendaha “Horumarinta iyo xoojinta xukunka sharciga ee ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah” ayaa noqon doonta kulanka ugu muhiimsan ee lagu xusayo muddada ay Soomaaliya hayso shir-gudoonka Golaha Ammaanka. Waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin sar sare, oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, iyo garsooriyaal katirsan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ.
Gollaha Ammaanka ayaa tan iyo 2003 si joogto ah u qabanayay doodo ku saabsan xukunka sharciga, iyadoo lagu falanqeeyo sida sharciga caalamiga ah uu ugaalin uga qaato xalinta khilaafaadka, yareynta colaadaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladeed ee dalalka ay saameeyeen dagaallada.
Inta lagu guda jiro dooddan, waxaa laga hadli doonaa muhiimadda ay leedahay in dalalku u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah, isla-xisaabtanka marka xadgudubyo dhacaan, iyo doorka Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee xalinta khilaafaadka u dhexeeya dowladaha.
Soomaaliya ayaa sheegtay in dooddan ay fursad u tahay in la muujiyo kaalinta sharciga caalamiga ah ee lagu xaqiijin karo nabad waarta iyo wada-shaqeyn caalami ah, xilli dunidu ay wajahayso khilaafaad iyo xiisado sii kordhaya.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si joogto ah u adkeeya muhiimadda xukunka sharciga, iyagoo tilmaama doorka uu ka qaadan karo ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Qaar ka mid ah xubnaha Golaha ayaa taageera in go’aannada Golaha lagu xuso baahida loo qabo dhowrista sharciga bani’aadannimada caalamiga ah, inkasta oo Maraykanku uu dadaal ku bixiyay in difaaco Israel, oo xad-gudubyada ugu badan ee bini’aanimada ka geysanaysa Bariga Dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda adag ee xiriirka u dhexeysa xubnaha Golaha ayaa keeni karta in qaar ka mid ah dalalka ay doodda furan diiradda ku saaraan arrimo gaar ah oo muran badan dhaliyay, sida colaadaha ka socda Gaza iyo Ukraine.




