Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-gashay dalka Mareykanka + Sawirro

0

WASHINGTON (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐑𝐚 g𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐒𝐠𝐚 𝐒𝐲𝐨 π—π’π«πŸπšππ₯𝐚-𝐲𝐚𝐚𝐬𝐑𝐚 π’π¨π¨π¦πšπšπ₯𝐒𝐲𝐞𝐞𝐝 ee Waqooyiga Ameerika oo loo soo gaabiyo (SNABPI) madashaas oo ka qabsoontay magaalada Bloomington Gobolka Minneapolis ee dalka Mareykanka.

 

Hadaljeedinta Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa uu diiradda ku saaray xaaladda dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda. Mudane Wasiir Biixi ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay Qurba joogta Soomaaliyeed ku leeyiin horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka, waxa uuna ku booriyay in ay kaalintooda muhiim ka ee ay uga jiraan dib-u-dhiska Dowladnimada ay sii xoojiyaan.

β€œIn aan la kulmo maskax maalka iyo dhallinyarada Waqooyiga Ameerika ee π—¦π—‘π—”π—•π—£π—œ waxa ay ahayd Madal xiisa iyo Xogo muhiim ah oo dalka iyo xaaladiisa dhaqaale taabanaysa aan isku dhaafsanay, jawi degana ku soo idlaatay. Waxa aan uga mahadcelinaynayaa in ay soo qabanqaabiyeen munaasabaddaan xiisaha leh, ayna abuureen Madal isku keenta ama kulansiisa Xirfadlayaasha iyo kuwa hal-abuurka leh si ay isagu xirmaan oo u falanqeeyaan arrimaha muhiimka ah bulshada” ayuu ku soo koobay hadaljeedintiisii Wasiir Biixi Imaan Gige.

Β Β 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here