NEW YORK – Soomaaliya ayaa si rasmi ah u la wareegtay madaxtinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo calaamad u ah kororka saameynta caalamiga ah ee dalka.
Dalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu hogaamiyo howlaha Golaha Ammaanka bishan, iyadoo madax ka noqon doona kulamada iyo ajendaha shaqo ee Gollaha, oo mas’uul ka ah ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Madaxtinimada Golaha Ammaanka ee Soomaaliya waxaa hagi doona Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abukar Baalle, oo beddelaya wakiilka Slovenia, Samuwel Žabogar.
Howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya, inta ay hayso madaxtinimada Gollaha Amaanka mudo bil ah, ay fududeyn doonto “dood wax ku ool ah oo wadajir ah”.
Madaxtinimada wareegta ah, oo dhaqan gashay 1-da bishan, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madax-banaanida Soomaaliya ay Israel kusoo xad-gudubtay, oo Somaliland u aqoonsatay dal madax-banaan, arintaas oo ka dhalatay caro iyo cambaareyn caalami ah, maadaama xadgudub ku yahay midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Muddo sanado ah, dalalka Afrika ayaa dalbaday kursiyo joogto ah oo leh awood cod diidmo, iyagoo ku eedeeyay nidaamka hadda jira inuu “cadaalad-darro u yahay qaaradda”. Shanta waddan ee kaliya ee leh kursi joogto ah iyo awood cod diidmo ee Golaha Ammaanka waa: Mareykanka, Britain, Faransiiska, Ruushka, iyo Shiinaha.
Tani waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya haysato madaxtinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo 55 sano ah. Soomaaliya ayaa qabatay xilkan madaxtinimada Gollaha Amaanka sanadkii 1971.
Horumarkaan ayaa aragtiyahoodu u arkaan calaamad kale oo xooggan oo muujinaysa soo kabashada dalka ka dib sannado dagaalo gudaha ah iyo masiibooyin dabiici ah.




