Soomaaliya oo wajahaysa xaaladdii ay Afghanistan kula wareegtay Taliban

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa General Miijal Langaley ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu maraya marxaladdii Taliban ay kula wareegeen Afghanistan 2021 kadib markii ay ka baxeen Ciidamadii NATO iyo kuwa Mareykanka.

 

Taliyaha AFRICOM wuxuu tilmaamay in ay Al-Shabaab ka faa’ideysan karto ​​bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, islamarkaana ay isku dayi doonto inay sameyso sidii Taliban-ka. Laakiin taasi laga hortagi karo hadii ay shacabka garab ustaagaan dawladooda oo ka taageeraan dagaalka ka dhan ah Kooxda.

“Saameyn way ku yeelan kartaa bixitaanka Ciidanka Midowga Africa amniga Soomaaliya, waxaaana Al-Shabaab weeraro ka fulin kartaa Muqdisho iyo meelo kale, balse waxaan ku rajo waynahay in dowladda Soomaaliya ay fahansan tahay khatarta amaan doonto xiliga kala-guurka lagu jiro,” ayuu yiri General Miijal Langaley.

Langley ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usbuucii hore, islamarkaana uu ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan kahor tagga khatarta Al-Shabaab marka ay baxaan ciidamada Atmis.

Taliyaha AFRICOM wuxuu shaaciyay in Mareykanka uu sare u qadi dona jogitankisa militari ee gudaha Soomaaliya sababo la xirira horumarada ay sameynayan Al-Shabaab iyo Daacish oo halis ku ah amniga gobolka Geeska Africa.

Waqtiga kala-guurka ee Ciidamada Atmis ay mas’uuliyadda amniga ku wareejinayaan kuwa dowladda Soomaaliya sanadkan, ayaa hadda loo arkaa mid ka guuraya xoreynta una guuraya xasilinta goobihii horey loo qabtay si aysan dib ugu noqon gacanta Al-Shabaab. Wuu Langley hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in shacabka, dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iska kaashadaan sidii dalka looga badbaadin lahaa wixii ku dhacay Afghanistan 3 sano kahor.

Wuxuu taliha AFRICOM xaqiijiyay in Mareykanka uusan u ogolaan doonin Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya, islamarkaana ay joogteyn doonaan howlgalada militeri iyo duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo goobaha muhiimka ee Kooxda ku maleegayso shirqoolada ka dhanka ah amniga.

Tan iyo markii uu xukunka qabtay 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka shaqeynayay sidii Al-Shabaab looga saari lagaa guud ahaan dalka, iyadoo dowladiisa taageero ka heshay dadka degaanka oo is-xilqaamay taasoo keentay in Kooxda laga saaro magaalooyin iyo tuulooyin kala duwan oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabeelle.

Laakiin mudo dhowr bilood ah ayuu hakad ku jiraa howlgalka, xili ciidamada Atmis la filayo in ay dalka ka baxaan dhamaadka bisha December ee 2024, iyaga oo ka tagaya firaaq ay tahay in ay buuxiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhawaan dhowr saldhig kala wareegay askarta Midowga Afrika oo si tartiib tartiib ah looga qaadayo dalka, waxaana hadda socda wajigii 3aad oo 4,000 oo askari ku baxayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in la dhiso Ciidamo kale oo Midowga Africa ka socda Midowga Africa, kuwaasoo bedelaya ATMIS, waxaana mas’uuliyadooda noqon doontaa ilaalinta goobaha muhiimka ah. Codsigan ayaa dhawaan waxaa meel mariyay Gollaha amniga iyo nabada Midowga Africa, waxaana uu sugayaa ansixinta Gollaha amaanka ee QM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here