Soomaliya iyo Serbia oo kulan laba geesood ah ku yeeshay Belgrade

0

Belgrade (SMN) — Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia, Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed, ayaa kulan laba-geesood ah la Xoghayaha Joogtadda ah ee Wasaaradda ArrimahaDibadda Jamhuuriyadda Serbia, Dušan Kozarev.

 

Kulan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada siyaasadda, Waxbarashada, amniga iyo dhaqaalaha dhanka Gacansiga ee labada Dal, iyadoo loo marayo xiriirka laba geesoodka ah, kaasoo ee ku saleysan danaha wadaagga ah ee labada dal.

Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay kasoo qeyb-galka Ganacsatadda Soomaaliya ee Suuqa Ganacsiga Aduunka iyo Bandhigga Carwadda 2027 ee ee (Expo-2027) iyo isdhaafiga arimaha hortabinta leh ee labadda dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkooda.

Xoghaye Dušan Kozarev ayaa ku ammaanay danjiraha sida uu isugu howlay ka shaqeynta hagaajinta xiriirka diblomaasiyadees iyo wada shaqeynta dalalka Soomaaliya iyo Serbia.

Wuxuu intaasi ku daray in Dowladda Serbia in ay ka go’an tahay kor qaadida xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Si-kastaba, Dowladda Serbia waxay ka mid tahay dalalka caalamka ee dowladda Soomaaliyeed ku garab siiya dib u dhiska hey’adeheeda muhiimka ah, iyadoo xusid mudan in Serbia ay Soomaaliya u tabbabartay ciidamo kumaandoos ah oo ilaaliya madaxtooyadda Qaranka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here