SSC-Khaatumo oo war xasaasi ah kasoo saartay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

LAASCAANOOD (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka KMG ka ah ee SSC-Khaatumo ayaa waxaa looga hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee haatan ka socdo magaalada Muqdisho.

 

SSC ayaa qoraalkan ku codsatay in ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo.

Si waafaqsan Qodobada Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Cutubka 5-aad, qodobadiisa 48-aad 49-aad, iyo 50-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here