MUQDISHO (SMN) – Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaa isbuucii labaad xabsi kuyaal Muqdisho ku xiran ninka mayalka adag ee Sufiyaan Taakeeye, kaas oo sheegta in uu hogaamiyo xisbiga Talo-kunool.
Sufiyaan Taakeeye oo dhawaan xabsi laga soo daayey ayey xubnahan lasoo xiriiray Shabelle sheegeen in xarigiisan danbe loo aanaynayo wareysiyo dhowr ah oo uu bixiyey, kuwaas oo uu kaga hadlayey fikirkiisa ku aadan in Kitaabka Alle iyo Sunada Nebi Muxamed ( NNKH ) lagu hogaamiyo dalka iyo dadka.
Shabelle ayaa dhawaan wareysan doonta Afhayeenka Xsibiga Talo-kunool oo fadhigiisu yahay Dalka Koonfur Africa.