MUQDISHO [SMN] – Maalmahan waxaa gobolka Shabeellada Dhexe ka dhacayey dagaalo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka deegaanka iyo Al-Shabaab.
Deegaano badan oo ku yaal gobolkaas ayaa waxaa ka dhacay dagaalo qaraar iyo weeraro culus, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga iyo nolasha dadka rayidka ah.
Suldanka Daahir Axmed, oo ka soo jeeda dhaqanka gobolka Shabeellada Dhexe, ayaa waraysi gaar ah siiyey warbaahinta, isagoo ka hadlay xaaladda dagaallada ee maalmahan ka socda gobolka.
Suldaanka oo wareysi siiyay Shabelle TV ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerarada ku soo qaadeen gobolka sababo la xiriira bisha Shacbaan, iyadoo kooxdu aaminsan tahay in weerarrada ay xoog badan yeeshaan marka bisha Ramadan soo gasho.
Si kastaba ha ahaatee, Suldaanku wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guulo ka gaareen dagaallada, wuxuuna xusay inay jab weyn gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Hadalkan Suldaanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay dagaallo culus ka dhacayeen deegaanada qaar ee Shabeellada Dhexe, kuwaas oo uu ka dhacay dagaal adag oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helay ciidanka deegaanka.
Dagaalladan ayaa la sheegay inay si weyn u saameeyeen xaaladda amni ee gobolka iyo dadka ku dhaqan oo soo wajagday cabsi xoog leh, maadaama labada dhinac is horfadhiyaan.