Muqdisho, Soomaaliya [SMN] – Suuqa weyn ee Boocle ee gobolka Banaadir ayaa maanta gabi ahaanba xiran, kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo rogtay amaro iyo xanaaq ku saabsan fulinta hab bixinta cashuurta Faatka, taasoo ah canshuur boqolkiiba shan ah oo dowladda ka jarto badeecadaha ay iibinayaan ganacsatada.
Suuqa ayaa noqday mid gebi ahaanba xiran, iyadoo ganacsatadu ay buux-dhafiyeen xarunta degmada kadib markii laga qabtay suuqa iyagoo wata howlaha shaqadooda. Waxaa lagu eedeeyay in ganacsatadu aysan u isticmaalin habka saxda ah ee dirista lacagaha canshuuraha, iyadoo dowladda ay kala baxdo lacagaha akoonnada ganacsatada.
Mid ka mid ah ganacsatada suuqa Boocle ayaa la hadlay warbaahinta Shabelle, wuxuuna ka warbixiyay xaaladda suuqa iyo culeyska ay ganacsatadu la kulmaan.
Dhanka kale, maamulka degmada Dharkeenley oo suuqa Boocle uu ku yaalo ayaa aan weli ka jawaabin su’aalaha la xiriira xaalada suuqa.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli suuqyada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ay dhowaan ahaayeen kuwo aan shaqeyn, kadib markii ganacsatadu ay la kulmeen canshuurta culus iyo amarro kale oo dowladda ay ku soo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir.