Taabid Cabdi oo war kasoo saaray shirka Golaha Wadatashiga iyo Doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Duqii hore ee Muqdisho Thabid Cabdi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa yiri:-

 

“Shirka madlan ee Madasha Wadatashiga Qaran waxaan rajeynayaa in uu mirodhalo laguna go’aamiyo oraahdii aheyd “Gacan dagaalka, gacanna doorashada”.

Waa in November 2024 doorasho laga qabtaa Dowlad Gobolleedyada; GalMudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland si hubanti la’aanta looga baxo, dagaalka argagixisadana loogu helo hoggaan sharciyad heysta oo aan usha lala qabsan.

Doorashada dadweyne ee Gollaha Deeggaanka Dowlad Gobolleedyada waxaa qaban kara Hoggaan iyo Maamul sharciyad heysta, waxaana tusaale inoogu filan doorashada qof iyo cod gollaha deeggaanka ee Puntland lagu soo gabagabeeyay.

Sidookale Bulshada Gobolka Banaadir ayaa diyaar u ah doorasho qof iyo cod, xor iyo xallaal ah, waxaana la joogaa xilligii ay Banaadir ka bixi lahayd maamul la soo magacaabo.

#RabbiTaloKuFilan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here