MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyihii hore ee duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamulka goboleedyada dalka.
Taabit ayaa soo dhaweeyay go’aanka maamulka Jubbaland ee ku aadan qabashada doorashada maamulkaas oo uu tallaabo u qaaday madaxweyne Axmed Madoobe.
Sidoo kale wuxuu ka digay muddo kororsiga ay ku howlan tahay dowladda federaalka, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Dowladda Federaalka haddii ay muddo kororsi sharcidarro oo ma dhammaato ah caadeysatay, waxay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka xaq u leeyihiin inay doorasho qabtaan sida uu qabo dastuurka dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.
Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka dowladda Jubbaland ee qabashada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduuddaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.
Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka inay ixtiraamto awooddaha kala madaxabannaan ee hannaanka federalka sida ku cad dastuurka dalka iyo midka dowladdaha xubnaha ka ah #DFS.