Tababar ku saabsan doorka haweenka ee warbaahinta Digital-ka ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Tababbarkan waxaa soo qaban-qaabiyay Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya iyada oo ay soo qaban qaabisay Shabakadda Horumarinta Haweenka Warbaahinta ka jira ee Galmudug (Galwomen) waxaana xalay Dhuusamareeb ku qabsoomay tababarka ku saabsan doorka haweenka iyo warbaahinta digital ka ah.

 

Aqoon kororsigaan waxaa qaar kamid ah haweenka warbaahinta ka howlgala lagu barayay hannaanka loo adeegsado warbaahinta casriga iyo kordhinta xirfaddooda ku aaddan adeegsiga baraha bulshada iyo mareegaha kale ee internet-ka.

Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya mudane Yaxye Xaaji Colaad oo tababbarka furay ayaa waxaa uu ka qayb-galayaasha la wadaagay talooyin muhiim ah oo ka qayb-qaadanaya fududaynta howlahooda warbaahinta.
Agaasimaha ayaa sidoo kale waxaa ka dadka tababbarkan loo qabtay siiyay casharro ku saabsan mowduuca tababbarka.

Dhallinyarada fursadda u helay ka faa’iidaysiga aqoon-kororsigan ayaa dhankooda ka mahad-celiyay waxayna sheegeen inay wax badan ka faa’iideen uuna ahaa tababbarkii ugu horreeyay nuuciisa ee loo qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here