Taliska Booliiska Oo Gacanta Kusoo Dhigay Labo Eedeysane oo Ku Howlanaa Dhac iyo Dhibaatayn Bulsho

0

Muqdisho – Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Saldhigga Dayniile, ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedeysane oo la tuhunsan yahay inay caadaysteen dhaca iyo dhibaataynta bulshada ku dhaqan degmada Dayniile.

 

Warse-xaafadeed kasoo baxay taliska booliska gobolba banaadir ayaa sheegay inLabadan eedeysane oo ay Booliisku muddo daba socdeen laguna qabtay iyagoo fal dhac ah ka geysanaya gudaha degmada Dayniile, kaddib howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa D/le Maxamed Xasan Axmed (Abaaje) iyo Mursal Warsame Cabdi (Jiiska), kuwaas oo hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, iyadoo la qorsheynayo in loo gudbiyo maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo.

Booliiska Caasimadda ayaa bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana haddii ay arkaan ama ka shakiyaan shaqsiyaad lid ku ah amniga iyo xasilloonida, ay la soo xiriiraan saldhigga Booliiska ee ugu dhow ama ay soo wacaan nambarka gaaban ee 991.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here