Taliska Booliska Soomaaliya oo soo saaray digniin ku socota gaadiidleyda

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Booliska Soomaaliyeed oo soo saaray digniin culus ku socota gaadiidleyda gobolka Banaadir.

 

Booliska oo soo saaray illaa 7 qodob oo xasaasi ah ayaa gaadiidleyda ka dalbaday inay u hoggaansamaan amarada soo baxay.

Ujeedka ugu wayn ee looga gol-leeyahay arrintan ayaa ah sugidda amniga, si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud ee gaadiidlka ka howlgala magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:- 

Dhamaan Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka Waxaa Lagu Wargalinayaa Arimaha Hoos ku Xusan kuwaas oo kala ah:

1. Waxaa Macnuuc ah in La kaxeeyo ama la wato  Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha

2. Waa in ay islahaadaan  Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada hadii ay islahaan waayaan waxaan Laga qaadi doonaa Talaabo Adag

3. Waa in Gaariga kasta uu ka diiwaan Gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuura

4. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumada Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub .

5. Waxaa Mamnuuc  ah  in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida  (Xafarka A ama B  ) Jesnambarka  ,Taargad Iyo I W M loo Guuriyo Mooto Kale oo aan Laheyn Macluumaadkaas

6. Waxaa si gaar ah  Loogu Wargalinayaa Milkiilashaada  iyo Howl wadeenada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta  in Aan  Xuduudaha Caasimada laga soo gelin Karin  Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale

7. Waxaa la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida  Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin Adag Oo waafaqsan Sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here