Taliska ciidanka Booliska oo Muqdisho ka mamnuucay gaadiidka Taargo la’aanta ah

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa magaalada Muqdisho ka mamnuucay in lagu dhex wato gaadiidka Taargo la’aanta ah, go’aankan ayaana dhaqangeli doono isla maanta.

 

Qoraalka kasoo baxay booliska ayaa waxaa sidoo kale shacabka loogu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga guud ee caasimadda.

Warsaxaafadeedka ayaa u qormaa sidatan:-

WARGALIN MUHIIM AH.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu ogaysiinayaan shacabka ku nool caasimadda iyo hareeraheeda laga bilaabo maanta oo ay taariikhada tahay 18-06-2024 aan la ogaleyn Gaadiid bilaa taariko ah oo maraya wadooyiinka Caasimadda

Fadlan muwaadin kala shaqee hay-adaha aminiga sidii loo sugi lahaa amnigga Caasimada oo gadiidakada kuxiro taariko si loo garto sumadiisa,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here