Taliska Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay weeraro xalay ka dhacay degmada Daarusalaam, kaas oo loo adeegsaday qaraxyo, kadibna  ay xigtay rasaas xooggan.

 

Booliska ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwa dheemish ah oo lagu xiray xarun ganacsi oo ku taalla Daarusalaam, ayna ka dambeeyeen Al-Shabaab, si ay shacabka u cabsi geliyaan.

Warsaxaafadeedka ayaa qornaa sidatan;-

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho.

Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam.

Miinooyinkaas waxaa la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan. Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas. Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada.

Taliska Boliiska waxa uu ugu baaqayaa shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here