Taliska ciidanka Xoogga oo loogu baaqay inuu ka hortago weerarada Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Mahad Wehliye Raan oo ah falanqeeye arrimaha amniga ayaa ka hadlay kororka weerarada ay Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Wehliye oo u warramay Shabelle ayaa sheegay inay jirto habacsanaan dhanka ciidamada iyo saraakiishooda, isaga oo tilmaamay in aysan jirin feejigaan ka horReysa weerarada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay sabab u tahay aqoon yari heysata saraakiisha iyo ciidamada, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in wax laga barto weerarada Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay u adeegsadaan xeelado isku mid ah

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weerarkii ugu dambeeyay oo khasaare xoogan dhaliyay ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne kaas oo lagu dilay askar badan, laguna qabsaday hub iyo gaadiid yaallay saldhig ay ciidaNKA Xoogga ku lahaayeen halkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here