Taliska ciidanka xasilinta oo war cusub kasoo saaray amniga Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Gaashaanle Aadan Jeelle oo kamid ah saraakiisha ciidanka xasilinta Muqdisho oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgallada ay ka wadaan caasimadda iyo amniga guud.

 

Aadan Jeelle ayaa ku bogaadiyay ciidanka ammaanka, sida ay uga howlgaleen amniga caasimada oo markii hore dhibaato lagu qabay ciyaal weero, burcad iyo falal kale oo amni darro ah, sida qaraxyada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan dadaalkooda, isla markaana ay xaqiijin doonaan ammaanka Muqdisho iyo shacabkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay la timid qorshe cad oo wax looga qabanayo amniga Muqdisho, waxaana laga nastay weeraradii joogtada ahaa, ciyaal weerada iyo burcadda hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here