Taliska Ciidamada Xoogga oo loo diray dalab culus kadib weerarkii Laas-gacmey

0

MUQDISHO (SMN) – Maxamed Xaadir Nuur oo ah falanqeeye dhanka amniga ayaa ka hadlay kororka weerarada Al-Shabaab ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyay Idaacadda Shabelle ee magaaladan Muqdisho.

 

Ugu horreyn wuxuu nasiib darro ku tilmaamay xakameyn la’aanta weerarada joogtada ee lagu hayo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, maadaama la gaarsiiyo khasaare kala duwna oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay jirto khibrad la’aan haysata saraakiisha hoggaamineysa ciidanka, isaga oo ku taliyay in wax badan laga beddalo qaabka ay hadda wax ku socdaan.

Maxamed Xaadir Nuur ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan gacmo shisheeye oo ku lug leh dagaalka, isla-markaana dano gaar ah ka leh inuu sii dheeraado howlgalka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay taliska ciidamada Xoogga dalka inuu wax ka beddalo istaraatiijiyadda ku aadan dagaalka socda, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, maalin uu kadib markii ay laba weerar oo xoogan ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanada Ceel-la helay iyo Laas Gacmey oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Al-Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacmey, halkaas  oo ay kala joogaan labada dhinac, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa la xoreeyey toddobaadka hore, kadib howlgallo culus oo ay qaadeen ciidamada isbaheysanaya ee Xoogga iyo kuwa deegaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here