Taliyaha Ciidanka Asluubta oo tallaabo qaaaday kadib weerarkii Xabsiga Dhexe

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Genaraal Mahad Cabdiraxman Aadan ayaa maanta qaaday tallaabo culus, kadib weerarkii maalin kahor ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

 

Taliyaha oo ka duulaya weerarkaasi ayaa xilka si kumeel gaar ah uga qaaday taliyihii Xabsiga Dhaxe ee Xamar, wuxuuna magacabay taliye cusub, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska taliyaha ciidanka Asluubta.

Sidoo kale waxa uu magacabay guddi baaris ku sameeya shaqaqadii dhawaan ka dhacaday Xabsiga Dhexe ee Xamar, taas oo dhalisay shaki aad u wayn.

Weerarka waxaa gaystay 5 xubnood oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab, balse lagu xukumay dil toogasho ah, kuwaas oo ku xirnaa xabsiga, waxaana dhammaantood lagu dilay toogasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here