MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding ayaa maanta booqday askartii ku dhaawacantay weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhiga ciidamada ee furinta hore ee Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sarreeye Guud Okiding ayaa askarta ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee ay ula dagaalameen Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu u rajeeyay caafimaad deg deg ah. Askartan ayaa xaaladooda caafimaad ay ka soo raynaysaa iyagoo lagu dabiibaayo cisbitaalka heerka labaad ee ATMIS ee magaalada Muqdisho. S
Okiding ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo asxaabta askartii ku naf-waayay weerarka.
Sarreeye Gaas Okiding waxaa booqashadiisa ku wehlinaayay Madaxa UNSOS Dr. Aisa Kirabo Kacyira iyo saraakiil sare oo ka tirsan ATMIS.