MUBAARAK, Soomaaliya — Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM, Jeneraal Sam Kavuma, ayaa booqasho ku tagay magaalada Mubaarak si uu u qiimeeyo diyaargarowga dagaal ee ciidamada isku dhafka ah, ka dib markii dhawaan kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaankaas.
Booqashadan ayaa daba socota hawlgal ballaaran oo ay iska kaashadeen ciidamada AUSSOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS), kaas oo lagu xoreeyay magaalooyinka Mubaarak iyo Dara-salaam, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha milatariga.
Jeneraal Kavuma ayaa ammaan u jeediyay ciidamada wadajirka ah, isagoo ku sifeeyay hawlgalkooda mid muujiyay adkeysi iyo geesinimo sare. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay cutubyada ciidanka Uganda (UPDF), ciidamada Soomaaliya, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageerada ka geysta xasilinta dalka.
“Niyadda ciidanka waa mid aad u sarreysa, waxayna diyaar u yihiin inay sii xoojiyaan guulaha laga gaaray hawlgalladii ugu dambeeyay,” ayuu yiri Brig. Jeneraal Jackson Kayanja, oo ah Taliyaha Qaybta Koowaad ee howlgalka AUSSOM.
Intii uu ku sugnaa Mubaarak, Jeneraal Kavuma ayaa la kulmay dadka deegaanka, isagoo ku booriyay inay kala shaqeeyaan ciidamada sugidda amniga si loo dardargeliyo soo kabashada dhaqaalaha iyo nolosha bulshada. Dadka deegaanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay isbedelka dhanka amniga ah, iyagoo sheegay inay dareemayaan xasilooni dib ugu soo laabtay aagga.




