Taliyaha AUSSOM oo Sheegay Guulo La Taaban Karo oo Ka Dhashay Dagaalka Shabeellaha Hoose

0

MUQDISHO – Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika (AUSSOM), Lt. Gen. Sam Kavuma, ayaa sheegay in guulo muuqda laga gaaray dagaalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo Al-Shabaab laga saaray deegaano ay ka mid yihiin Bariire, Sabiid, iyo Caanoole.

 

Lt. Gen. Kavuma ayaa ka hadlay furitaanka Buundooyinka Sabiid iyo Caanoole, kuwaas oo bishii June ay Al-Shabaab qarax ku burburisay. Wuxuu sheegay in Mareykanka iyo xulufadiisa, oo Turkiga kamid yahay, ay ka mahadcelinayaan guusha howlgalka, kaas oo wajigiisii 1aad lasoo gabagabeeyay.

Sidoo kale, taliyaha ayaa ku bogaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM geesinimada ay muujiyeen intii lagu guda jiray dib-u-qabashada Bariire iyo deegaanada kale ee ku dhaw, isagoo xusay inay diyaar u yihiin dhameystirka howlgalka guud ee Al-Shabaab looga saarayo dalka.

Dib-u-dhiska buundooyinkan ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda iyo AMISOM ee lagu xoojinayo isku socodka ganacsiga iyo dadka, isla markaana lagu adkaynayo amniga guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here