Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya – Taliyaha AUSSOM Qaybta shanaad, Col. Oscar Hatungimana, ayaa booqday Saldhigyada Hore ee Ciidanka Burundi ee ka howl-gala gobolka Shabeellaha Dhexe.
Booqashadan waxaa lagu qiimeeyay heerka diyaar-garowga howlgallada, amniga, iyo daryeelka ciidamada, iyadoo la ilaalinayo feejignaanta ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Intii uu socday booqashada, Col. Hatungimana wuxuu ka helay warbixinno howlgaleed taliyeyaasha saldhigyadda, isla markaana wuxuu la kulmay shaqaalaha, isagoo xusay muhiimadda anashada iyo adkaysiga, gaar ahaan bishan barakaysan ee Ramadaanka.
Col. Hatungimana wuxuu amaamay ciidamada dadaalkooda iyo heellanaantooda, wuxuuna ku booriyay inay ahaadaan kuwo feejigan, si dhow ula shaqeeya Ciidanka Ammaanka Soomaaliyeed iyo maamulka deegaanka, isla markaana sii wadaan ilaalinta shacabka rayidka ah intii lagu guda jiray bisha barakaysan.





