MUQDISHO — Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta ciidamo gaar ah u kala diray fariisimaha loo asteeyay sugidda amniga doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Ciidamadan ayaa ka howlgali doona goobaha kala duwan ee caasimadda, si ay u xaqiijiyaan amniga muwaadiniinta codkooda dhiibanaya maalinta berri ah oo ku beegan 25-ka, isla markaana ay uga hortagaan fal kasta oo amniga wax u dhimi kara.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa saraakiisha iyo askarta kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh, iyagoo mudnaan siinaya danta guud ee dalka iyo badbaadada shacabka.
Sidoo kale, Taliye Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si gaar ah ugu booriyay ciidamada in ay gacan siiyaan waayeelka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo hooyooyinka, si ay si fudud oo ammaan ah ugu gutaan waajibaadkooda codbixinta.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu adkeynayo amniga caasimadda, si doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir ay ugu dhacdo si nabad ah oo hufan.







