Taliyaha Booliska Puntland oo kulamo ka bilaabay Gaalkacyo + Sawirro

0

GAALACYO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland  sareeyo guuto Mumin Abdi Shire ayaa shir gudoomiyey shirka saraakiisha booliska Gobalka Mudug oo looga hadlayey hormarinta amniga Gobalka iyo dardargalinta shaqooyinka horyaala.

 

Shirka waxaa ka qayb-galay Taliyaha qaybta Booliska gobolka mudug G/sare Maxamud Abdixakiin Yusuf,taliyaha kuxigeenka hogaanka ilaalada canshuuraha G/Sare Ciise Axmed Maxamud,taliyaasha laamaha Gobalka,taliyaasha saldhigyada magaalada Galkacyo iyo saraakiisha Amniga booliska Gobalka.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Maxamud Abdixakiin Yusuf ayaa warbixin guud kasiiyey ,taliyaha ciidanka booliska dowlada Puntland sareeyo guuto Muumin Abdi Shire shaqada Amniga gobalka iyo xaaladihii amni ee u danbeeyey,iyadoo hormar fiican laga sameeyey dhanka amniga iyo wadashaqaynta bulshada iyo booliska Gobalka.

Taliyaha Ciidanka booliska dowlada Puntland sareeyo guuto Muumin Abdi Shire ayaa ugu horeyn warbixin guud kasiiyey saraakiisha booliska Gobalka mudug qorshaha hormarineed,dhisme iyo tayeyneed ee lagu wado ciidanka booliska dowladda Puntland,taas oo ay muhiim tahay in ciidanka boolisku noqdo mid kuqalabaysan aqoon iyo xirfad.

Ugu danbayn Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa saraakiisha Ciidan booliska Gobalka Mudug kubogaadiyey shaqada ay u hayaan bulshadda sidoo kalana faray iney labo jibaaraan shaqada ay u hayaan dalka,dadka iyo diintooda,lagana hortago kuwa cadowga ku ah nolasha dadka reer Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here