Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulamo ka wada Mareykanka + Sawirro

0

WASHINGTON (SMN) – Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa safar shaqo oo kooban ku tagey Dalka Mareykanka si uu kulamo ula qaato hay’adaha Booliska ka taageera dhanka la-dagaalanka Al-Shabaab.

 

Taliye Sulub Axmed  ayaa shirar kala duwan la qaatay Madaxda hay’adahaas kuwaas oo dhamaantood ku soo dhammaaday guul.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale tagay Akadeemiyada FBI-da halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha Hay’adaas iyagoo kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here