BADHAADHE (SMN) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Khaalid CabdullaHI Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Raaskambooni oo hadda ah furinta dagaalka u dhexeeyo DFS iyo maamulka Jubbaland.
Taliyaha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi, wuxuuna bilaabay kulamo uu la yeelanayo ciidamada la geeyay halkaasi.
Khaalid Cabdullaahi oo kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa tagistiisa Raaskambooni waxaa loo arkaa inuu wax badan ka bedali karo xiisadda ka jirta maamulkaasi.
Si kastaba, khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii daraya, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda ay isku rogto dagaal toos ah.