Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo farriin u diray dadka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay akoono gaar ah oo lagu taakuleyn doono ciidamada milatariga Soonaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in lacagtaas marka ay soo uruurto loo adeegsan in lagu garab istaago ciidamada Xoogga dalka ee haatan dagaalka adag kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday jaaliyadaha Soomaliyeed iyo shacabka gudaha inay ka wada qayb qaataan taakuleynta ciidamada, si ay ugu dhiirageliyaan halganka xoreynta ee dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Howlgallada xoogooda ayaa waxa ay hadda ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo wajiga labaad ee howlgalka uu ku wajahan yahay maamullada kale ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo kamid ah meelaha ay haatan ku xoogan yihiin Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here