Sawirro: Taliyaha ciidamada Xoogga oo guddoomiyay shir muhiim ah

0

MUQDISHO (SMN) – Iyadoo laga duulayo xoojinta amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa  dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maanta Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed faray in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo rasmi ah.

“Waxaan Taliska ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo Hoggaana cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan Dagaalka Argagixisada, Dhismaha Ciidanka, Taakuleynta iyo sare u qaadista tayada Ciidanka xoogga Dalka ayuu yiri Taliyaha Ciidanka XDS”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here