Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Shir Guddoomiyay Kulanka Amni

0

MUQDISHO [SMN] – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa shir guddoomiyay kulanka hoggaanada iyo qeybaha Booliiska.

 

Kulankaasi ayaa todobaadkan diiradda lagu saaray sidii loo sugi lahaa amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho intii lagu guda jiray Bisha Ramadaan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa ugu mahadceliyay saraakiisha amniga gudashada waajibaadka shaqo ee culus ee saaran, isagoo sidoo kale shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo ammaanka.

Waxaa uu sheegay in amniga guud ee dalka iyo Caasimadda Muqdisho loo baahan yahay iskaashi adag oo ka dhexeeya bulshada iyo ciidamada si looga hortago dhagarta ay Al-Shabaab u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale cadeeyay in ciidamada amniga ay si buuxda uga go’an tahay ka hortagga falalka amni-darro ee ay Al-Shabaab ku wadaan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan oo muhiimad gaar ah leh.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo loogu diyaargarowga xoojinta amniga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale si weyn looga hadlay sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada inta lagu guda jiro xilligan xasaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here