MUQDISHO (SMN] — Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa dhiirigelin iyo taageero u muujiyay askarta ku sugan deegaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in ay muhiim tahay in la dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa geesiyaashaan kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka socda, gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle.
Waxa uu ballan qaaday in uu ku garab istaagi doono ciidamadooda taageero dhan kasta, gaar ahaan saad iyo saanad ay u baahan yihiin si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu muhiim u yahay sidii dalka loogu soo celin lahaa nabad iyo xasillooni, isla markaana looga hortagi lahaa falalka argagixisanimo ee kooxdaasi.