Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed munaasabadda Sanad-guurada 56-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskooda.
Taliyaha ayaa hambalyada u diray dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Taliska Ciidanka Dhulka.
“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo u dabaaldegaya sanad-guurada 56-aad ee aas-aaskooda. Waxay laf-dhabar u yihiin nidaamka cadaaladda iyo sugidda amniga xarumaha xabsiyada,” ayuu yiri Taliyaha.
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 22-ka Febraayo sanadkii 1970-kii, iyaga oo door muhiim ah ka qaata ilaalinta maxaabiista, dib-u-habaynta iyo anshax-marinta, iyo sugidda amniga guud ee xarumaha lagu hayo maxaabiista dalka.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Asluubta dadaalkooda joogtada ah iyo u heellanaantooda waajibaadka qaran, isaga oo u rajeeyey horumar, midnimo iyo guulo waaweyn.





