Soomaaliya, Shabeellaha Hoose – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhowaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Ujeeddada booqashada Taliyaha ayaa ahayd dhiirrigelinta iyo garab-istaagga ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo wadajir uga howlgala sugidda amniga deegaannada la xoreeyay.
Intii uu ku sugnaa goobahaas, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada, isaga oo ka xog-waraystay xaaladaha guud ee amniga, isla markaana ka dhageystay warbixinno la xiriira guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaallada amniga, geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee isgarabsanaya, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo howlgalka ciribtirka kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa mudooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarrada ay ka fulinayso qeybo ka mid ah gobollada dalka, iyada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo milatari oo joogto ah si loo xaqiijiyo amni waara.






