Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer ku tegay fariisimada CXDS ee Beledweyne

0

Beledweyne – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer shaqo ku tegay fariisimada ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada Beledweyne, oo ah xarunta gobolka Hiiraan.

 

Kormeerka taliyaha ayaa si gaar ah diiradda ugu saarnaa Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee ka tirsan Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo askarta ku sugan jiidaha hore.

Intii uu ku guda jiray booqashada, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa geesiyaasha CXDS kula dardaarmay inay sii xoojiyaan difaaca qaranka, dardargeliyaanna waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isagoo adkeeyay in mudnaanta koowaad la siiyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu ka qaadanayaan sugidda amniga, xasilinta dalka iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Booqashooyinkan kormeerka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dhiirigelinayaan kuna xoojinayaan kaalinta ay ciidamadu ku leeyihiin difaaca qaranka iyo sugidda amniga guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here