Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer ku tegay Gandarshe, dhiirrigeliyay ciidanka

0

Gandarshe, Shabeellaha Hoose – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

 

Taliyaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Saahid Jareere, waxaana ujeedka kormeerka uu ahaa dhiirrigelinta ciidamada Xoogga Dalka ee howlgallada ka wada gobolka.

Intii uu ku sugnaa Gandarshe, Jeneraal Sahal ayaa ciidamada ku ammaanay geesinimada, naf-hurnimada iyo sida ay uga hortagaan weerarrada kooxda Al-Shabaab. Wuxuu xusay in guulaha la gaaray ay ka tarjumayaan dadaalka joogtada ah ee ciidamada qaranka.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ugu muhiimsan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ay guulo waaweyn ka gaareen howlgalka lagu magacaabo Badar, kaas oo dhacay intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadaan. Howlgalkaas ayaa sababay in kooxda laga saaro dhul ballaaran oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen.May be an image of one or more peopleNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here