JOWHAR [SMN] – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer ku tagay difaacyada ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Gobolka Shabeellada Dhexe.
Kormeerkan ayaa ahaa mid lagu dardar-gelinayo hawlgalada lagu cirib tirayo Al-Shabaab, taas oo ah koox argagixiso ah oo ka dagaallanta gudaha Soomaaliya.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ugu mahadceliyay saraakiisha iyo askarta ku sugan fariisimaha uu booqday, isagoo bogaadiyay diyaargarowga iyo hawlgalada ay uga qayb qaadanayaan sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa goobaha ay ka cabbaad-sanayaan.
Taliyuhu waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay ciidamada iyo saraakiisha inay sii wadaan dadaalka iyo dagaalka ay kula jiraan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, iyadoo hadda ay ku beegan tahay bil Ramadaan.
Kormeerka kadib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneral Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kula afuray askarta iyo saraakiisha hoggaamisa ee goobahaasi ku sugan, isagoo ku booriyay inay sii wadaan dedaalkooda iyo dagaalka lagu xoreynayo Gobolka Shabeellada Dhexe.
Waxaa la filayaa in hawlgaladan sii kordhaya ay qayb ka qaataan sidii gobollada kale ee dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada.