Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland oo Kormeeray Goobaha Hawlgalka Daacish

0

BOOSAASO [SMN] – Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, ayaa gaaray goobaha ugu dambeeyey ee ay ciidamada Puntland kula wareegeen ciidamada Daacish, isagoo kormeer ku sameeyey furimaha hawlgalka.

 

Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay si guul leh uga saareen Daacish deegaano muhiim ah, gaar ahaan buuraleyda Calmaiskaat iyo dhulka howdka ah ee ku teedsan.

Intii uu socday kormeerka, Taliyaha Guud ayaa ciidanka Puntland ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dagaalka, iyadoo loogu baaqay inay u socdaan goobaha kale ee harsan si ay u sii daba galaan kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysaneysa.

Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadu ay Puntland ka qabsadeen in ka badan 80 goobood oo ay ka mid yihiin talisyada waaweyn, fariisimada, iyo meelaha ay Daacish saadka ku keedsan jireen.

Ciidamada Puntland ayaa sii wado hawlgallada joogtada ah ee ay kaga saareen kooxda Daacish deegaano kala duwan, iyagoo rajo wanaagsan ka muujinaya in hawlgalkaasi uu ku dhammaan doono guul weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here