Taliyaha Ciidanka Gaarka ah oo ka Qaybgalay Carbiska Militariga ee JUSTIFIED ACCORD ee Kenya

0

NAIROBI [SMN] – Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka, Xasan Salaax Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka carbiska militariga ee JUSTIFIED ACCORD, kaas oo sanadkan lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya.

 

Carbiska, oo socday muddo dhowr maalmood ah, ayaa markii labaad waxaa ka qaybgalay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo sameeyay bandhig aad u sareeya oo militariga, taas oo muujinaysa xirfadaha sare ee ciidamadooda.

JUSTIFIED ACCORD waa carbis heer caalami ah oo ay ka qayb galaan dalal kala duwan, si loo sareeyo xirfadaha iyo awoodda iskaashi ee ciidamada ka qeybgalaya. Intii uu socday carbiska, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay dhoolatus cajiib ah oo muujinaya xirfad sare, heegan, iyo karti ciidan oo heer sare ah.

Ka qaybgalka Ciidanka Xoogga Dalka ee dhoolatuskaas ayaa muujinaya horumarka ay ka sameeyeen dhanka tababarka iyo iskaashiga caalamiga ah, taas oo xoojinaysa awoodda difaaca iyo howlgalka Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here