Taliyaha Ciidanka Uganda oo Ku Eedeeyay Mareykanka inuu Heshiisyo Qarsoodi ah la Galayo Al-Shabaab

0

KAMAPALA – Taliyaha guud ee ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi, ayaa sheegay in Mareykanka uu si qarsoodi ah heshiisyo ula galayo kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay halis wali ku tahay xasiloonida iyo nabada gobolka Geeska Afrika.

 

Jeneraalka ayaa hadalkan ku qoray baraha bulshada,mana soo bandhigin wax cadeyn ah oo ku xoojinayo eedeynta uu u jeediyay dowladda Mareykanka.

Gen. Muhoozi ayaa su’aal geliyay sababta Uganda ay weli uga qeybqaadaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya mudo 18 sano ku dhaw, haddii Mareykanka uu wada-hadallo la leeyahay isla kooxdaasi xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Maxay tahay sababta aan weli ugu dagaallameyno Soomaaliya haddii saaxiibkeen Mareykanka uu wada hadallo qarsoodi ah la leeyahay Al-Shabaab?” ayuu yiri taliyaha, isagoo intaas ku daray inay Uganda askar badan uga dhinteen sidii loo soo celin lahaa nabada Soomaaliya

Hadalka Jeneraalka ayaa imaanaya xilli ciidamada Uganda ay qeyb weyn ka yihiin howlgalka Midowga Afrika, oo muddo dheer tan iyo 2007 ka howlgalaayay Soomaaliya si loo xoojiyo guusha ammaanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Ilaa hadda ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ama Al-Shabaab oo la xiriirta eedeynta Jeneraal Muhoozi.

Mareykanka ayaa qeyb wayn ka qaadanaya dagaalka Al-Shabaab, iyadoo boqolaal askari ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo fuliya duqeymaha dhanka cirka oo lagu dilay hogaamiyaal sare oo kooxda katirsan. Wuxuu sidoo kale Mareykanka dagaal kula jiraa Daacish oo saldhigyo ku leh buuraha gobolka Bari, gaar ahaan Calmiskaad oo dhawaan weeraro culus oo cirka ahka geystay.

Uganda waa dalkii ugu horeeyay oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya 2007, oo qeybta ugu badan ku leh howlgalka Midowga Afrika, waxaana ay ilaaliyaan xarumaha muhiimka ee dowladda. Hadda howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa wajahaya dhaqaale la’aan, kadib markii dalalka Yurub iyo Mareykanka diideen inay qarashaadka bixiyaan, taasoo keeni karta inuu fashilmo howlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here