Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Taliyaha AUSSOM

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibrahim Mohamed Mahmoud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sam Kavuma.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee amniga iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed, oo ay ka mid yihiin;
Xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa Taliska Ciidanka XDS iyo Howlgalka AUSSOM,Hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Amniga ee dalka iyo Dardargelinta howlgalada socda ee lagula dagaallamayo ururrada Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay AUSSOM doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasillinta dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga labada dhinac ee la xiriira amniga qaranka.May be an image of one or more people and text

May be an image of newsroom, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here