Shabeellaha Dhexe – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kula afuray furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Inta uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga, isaga oo tilmaamay in ay yihiin tiirka amniga iyo xasiloonida dalka.
Sidoo kale, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud wuxuu ciidamada kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa cutubyada ku sugan jiidaha hore, kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda amni iyo guulaha laga gaaray howlgallada ka dhanka ah cadowga, taas oo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee ciidamada dalka ee ku aaddan difaaca bulshada iyo xuduudaha qaranka.







