Muqdisho, Soomaaliya — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Taliska Guud ee Ciidanka XDS ku soo dhaweeyay Kaaliyaha Taliska Ciidanka Badda ee Turkiga, Admiral Mustafa Kaya, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, tayaynta iyo casriyeynta ciidamada.
Taliyaha Ciidanka XDS ayaa muujiyay muhiimadda uu talisku siinayo dhismaha iyo tayaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, isagoo xusay in kor u qaadista awoodda difaaca badda ay laf-dhabar u tahay sugidda amniga qaranka iyo ilaalinta khayraadka badda Soomaaliya.
Inta uu wafdigu joogo dalka, waxa ay kulamo la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka XDS, si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha horumarinta ee muhiimka u ah Ciidanka, gaar ahaan dhismaha iyo tayaynta ciidamada, oo ay ku jiraan Ciidanka Gaarka ah.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda, isaga oo u rajeeyay guul, nabadgelyo iyo in howlahooda shaqo ay si miro-dhal ah ku soo dhammaadaan.






