Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Hambalyo u Diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diray dhamaan ciidamada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaas oo maanta u dabaaldegaya Sanad-guurada 56-aad ee Aas-aaskooda.

 

Taliyaha ayaa sheegay in hambalyadan uu u dirayo Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isaga oo ku hadlaya magaca Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa, anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Grenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaaldegaya sanad-guurada 56-aad ee aas-aaskooda,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Ciidanka Asluubta doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaaraan ilaalinta amniga, sugidda maxaabiista, iyo daryeelka guud ee xarumaha xabsiyada, isagoo u rajaynaya horumar joogto ah iyo nabad waarta.

May be a graphic of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here