Taliyaha cusub ee AFRICOM oo booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya [Sawirro]

0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha cusub ee Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin Anderson, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay madaxda AUSSOM iskaashiga ay la leeyihiin Mareykanka dhinaca la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

 

General Anderson ayaa kulammo la qaatay Danjire El-Hadj Ibrahima Diene, Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Awoodda Sareeye Guuto Pieter Muteti iyo Taliye Booliis Hillary Sao Kanu.

Intii lagu jiray wada-hadallada, Gen. Anderson wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay iskaashiga iyo wadaagista mas’uuliyadda ee u dhaxeysa saaxiibada caalamiga ah si guul looga gaaro la dagaalanka Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Mareykanka uu bixiyo taageero ballaaran oo dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin dhanka farsamada, tababarka, iyo sahayda, haddana ciidamada Afrikaanka ee AUSSOM ay yihiin kuwa dhab ahaan wajaha dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa muujineysa sii xoojinta xiriirka difaac ee u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya iyo taageerada Mareykanka ee dadaallada nabadda gobolka Geeska Africa.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here