Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka oo gaaray Galgaduud + Ujeedka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General  Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Galgacad ee gobolka Galgadiuud, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

Taliyaha ayaa diyaarad Helicpter ah ku tegay Galcad, isaga oo kadib kormeeray saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxa uu warbixin ka dhageystay saraakiisha ku sugan halkaas ee hoggaaminaya howlgallada ka dhanka ah Shabaab, kuwaas oo taliyaha la wadaagay xogtii u dambeysay.

General  Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay inay laba jibaaraan dadaalkooda, sidoo kalena isku diyaariyaan wajiga labaad ee dagaalka.

Waa safarkiisii ugu horreysay ee uu magaalada Muqdisho uga baxo taliyaha cusub ee Xoogga dalka, tan iyo markii xilkan loo magaacabay 19-kii bishii hore ee June.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here