Taliyaha NISA ee Gedo C/rashiid Janan oo Ciidamada Amar Ku Siiyay

0

Gedo, Soomaaliya – Taliyaha NISA ee gobolka Gedo Cabdirashiid Janan, ayaa amar culus ku siiyay qeybaha kala duwan ee ciidamada ku sugan gobolkaasi, isagoo faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqan wanaagga isla markaana aysan ku khaldamin falal keeni kara amni darro.

 

Taliyaha ayaa si gaar ah uga digay in ciidamada aysan si aan kala sooc lahayn rasaas ugu ridi karin dadka rayidka ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta nolosha iyo nabadgelyada shacabka ay tahay masuuliyad dastuuri ah oo aan laga weecan karin.

Dhanka kale, C/rashiid Janan ayaa fariin u diray ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaannada Gedo iyo Jubbada Hoose, isagoo ugu baaqay in ay isaga isugu soo dhiibaan si nabad ah.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo xiisad siyaasadeed iyo mid amni wali ka taagan tahay gobolka Gedo, taasoo u dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Xiisadda ayaa weli u muuqata mid aan xal rasmi ah loo helin, iyadoo labada dhinac mid walba uu ku adkeysanayo mowqifkiisa, taasoo xaaladda ku sii cakirtay gobolka.

Waxaa la filayaa in socdaalkii iyo qorshaha amni ee uu wado C/rashiid Janan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda dhexe ay ku dooneyso in ay gacanta ku dhigto amniga guud ee gobolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here